Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Somaliland oo Shirar Xaasaasi Ah U Socdaan

0
2051

Hargeysa (Hargeisa Press) – Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka Somaliland ee Ucid iyo Waddani Eng, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shirar xaasaasi ahi uga socdaa magaalada Hargeysa.

Shirkan labada hoggaamiye xisbi mucaaradka ee Faysal iyo Cirro, ayaa waxaa ku wehelinaya masuuliyiin sar sare oo ka tirsan labada xisbi, kuwaasi oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha xisbiga WaddaniΒ Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Masuulinta xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Waddani, ayaan weliΒ wax faahfaahin dheeraad ah ka bixin ujeeddada uu salka ku hayo shirkoodani.

Balse masuuliyiin ka tirsan labada xisbi oo qayb ka ah shirkan oo la hadlay Shabakada Hargeisapress, ayaa sheegay in ay ka sii shirayaan tallaabooyin ay qaadi karaan, kaasi oo la xidhiidha khilaafka Arramaha Doorashooyinka ee ay isku hayaan xukuumadda iyo sidii ay u dejin lahaayeen taageerayaashooda cadhaysan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Musharraxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo dhawaan hadlay, ayaaΒ shacabka Somaliland uga digay inay ka digtoonaadaan hoggaaminta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayay ku eedeeyeen in dad faro madhan, oo aan hubaysnayn ay si badheedha u lay say, oo waliba ay ku laysay halkii ay iyadu u astaysay in ay ku banaan-baxaan.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa doonaya in Somaliland ay ka dhacdo doorasho lagu kala saarayo urrurada siyaasadda ee dhawaan is diiwaangeliyay, kadibna kuwa soo baxa ay galaan doorashada madaxtinnimada.

Mucaaradka, ayaa arrinkaa diiddan, waxaana ay doonayaan in marka hore ay dhacdo doorashada madaxtooyada, iyagoo ku doodaya in aanu jirin sharci nidaaminaya furidda urrurada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here