Wasiirka Maalgashiga oo Gaadhay Magaalada Boorama

0
596

Boorama (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horrumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland, Marwo Amiina Cilmi Fariid Badeed iyo wefdi balaadhan oo ay hoggaaminayso, ayaa maanta gaadhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Wasiirka, ayaa markii ay halkaasi gaadhay waxaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxda iyo masuuliyiin gobolka Awdal iyo weliba qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boorama.

Wefdiga wasiirka, ayaa sidoo kale waxaa soo dhaweyntiisa ka qayb ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka iyo masuuliyiinta la socda, ayaa muddada ay ku sugan yihiin magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kulamo kala duwan la qaadan doonta bulshada iyo waxgaradka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here