Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo U Socdaalay Dalka Ethiopia

0
682

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa u socdaalay dalka Ethiopia Maanta oo khamiis ah si ay uga qaybgalaan munaasibado ka dhici doona dalkaasi Ethiopia.

Hogaamiyeyaashan gobolka ee u socdaalay dalka Ethiopia ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Ugandan Yoweri Museveni, Madaxweynaha Koonfurta Sudan President Salva Kiir iyo Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo, halka dalka Djibouti uu ku matalayo wefti uu hogaaminayo Nabil Mohamed Ahmed.

Madaxweynaha Somalia oo isagu maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo martiqaad u fidiyey, waxaana kulan ay wadayeesheen Raysal Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Somalia ay kaga wadahadleen kor u qaadista xidhiidhka labada dal ee ka wadashaqaynta amaanka gobolka iyo xoojinta dhaqaalaha.

Hargeisa Press Desk/Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here