Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Dab-demiska Gabiley

0
678

Gabiley (Hargeisa Press.com): Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun ay magaaladda Gabiley ku yeelan doonaan ciidamadda Dab-demisku.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista xaruntan Dab-demisku ka sameeyeen magaaladda Gabiley waxaa ka qayb galay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka Hawlaha Guud iyo Wasiirka Isgaadhsiinta.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha mashruucaasi.

Waxaanu Axmed Sawaaxili,  u mahad naqay maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmada, gaar ahaana duqa Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, oo uu sheegay in uu kaalin weyn ka gaystay hirgelinta dhismaha xaruntaasi.

Sidoo kale taliyuhu waxa uu tilmaamay in dhismahani wax ka badan ka tari doono baahida loo qabo Dab-demis dhamaystiran oo ay yeelato magaaladda Gabiley, isla markaana uu noqon doono wax weyn oo qaranku ku faano.

Taliye Axmed Sawaaxili, ayaa ugu dambayn wasiirka warbixin ka siiyay hawlgalada ciidanku galay muddadii uu jiray.

Taasoo noqonaysa 3,373 hawlgal,  oo isku jiray gurmad Dab, Samatabixin, Bad-baadooyin iyo hawl-galo kale.

Geesta kale duqa degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, oo halkaas ka hadlay ayaa  ka warbixiyay  mashruucaasi iyo kaalintii ay ka gaysteen.

Waxaanu sheegay in dhismaha xarunta, Gunnada shaqaalaha xarunta iyo shidaalka gaadiidka ay dawlada hoose ee Gabiley kaalin muuqata ka qaataan.

Isagoona dhanka kale ciidanka Dab-demiska uga mahad naqay shaqada culus ee ay gobolka u hayaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo halkaas ka hadlay ayaa u mahad  naqay ciidanka Dab-demiska iyo maamulka gobolka Gabiley.

Waxaanu xusay in dhamaan qalabka iyo horumarinta ciidamada Dab-demiska ee gobolada iyo degmooyinka dalka aanay xukuumada Somaliland cid kale ka caawin, isla markaana laga sameeyay miisaaniyada qaranka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay in ciidanka Dab-demisku sameeyeen hawl-galo layaab leh oo ay ku jiraan in ay Ilmo yar iyo Laba Bissadood ka soo saareen musqul.

Dhinaca kale wasiir Maxamed Kaahin,  ayaa sheegay in qorsheyaasha iyo Hiigsiga ciidanka Dab-demiska ay  kaalin weyn ka gaysan doonaan.

Isagoona tilmaamay in ciidamadda Dab-demisku ay  kaalin muhiima kaga jiro guud ahaan qaranka Somaliland.

Gabagabedadii, wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidamadda Dab-demiska iyo maamulka Gabiley ayaa si wada jira waxay  xadhiga uga jareen xarunta ciidanka Dab-demiska ee Gabiley.

Taasoo si rasmiya u noqon doonto xarunta ay ka hawl-geli doonaan Ciidankaasi.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargaysa/Somaliland.

Somalilandfire@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here