Kulan Lagaga Tashanayey Habka Lagu Soo Xulayo Xildhibaanadda Guurtida Somaliland Ee Mustaqbalka oo Berbera Lagu Soo Gebo Gebeeyey

0
606

Berbera (Hargeisa Press)- Shirka wada tashiga golaha Guurtida Somaliland iyo Golaha Dhaqanka oo lagaga hadlayey habka lagu soo xuli doono xildhibaanadda Golaha Guurtida ee mustaqbalka ayaa lagu soo gebo gebeeyey magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Shirkan ayaa xildhibaano ka socday Golaha Guurtida Somaliland iyo Golaha dhaqanka ee gobolka Saaxil ay doodo adag kaga yeesheen habka loo soo xuli doono Golaha Guurtida ee Mustaqbalka, iyada oo fikiro iyo doodo kala duwan goobtaasi laysku dhaafsaday.

xubno ka tirsan Cuqaasha gobolka Saaxil ayaa soo jeediyey in xildhibaanadda Golaha Guurtida Somaliland ee Mustaqbalka ay soo xulaan Cuqaashu, halka ay xubno kale oo ka mid ah Cuqaashaasina ay soo jeediyeen in lasoo doorto, si looga baxo habkan qabyaaladaysan ee hore loogu keeni jiray Xildhibaanadda golaha Guurtida.

kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen 30 Madax-dhaqameed oo ka tirsan Cuqaasha gobolka Saaxil ayaa ugu dambayntii laysku raacay in Xildhibaanadda cusub ee golaha Guurtida Somaliland ee Mustaqbalka lagu soo xulo hab xulasho ah oo lamid ah habkii ay xildhibaanadii hore ee Golahaasi ku yimaadeen.

Hargeisa Press Desk/Berbera Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here