Hashaan Gaade weynow Libaax uga Gayoon waayay Inaan Goroyo Cawl uga Tagaa waa hal soo Gudhaye! Abwaan Timacade Allah Yarxam

0
2048

Iyada oo aan Sharaf iyo karaamo iyo Ixtiraam aad u balaadhan u hayo Masuuliyiintii Xilalka iska casilay oo ay xor u ahaayeen go’aankooda oo dastuurkeenu uu xaq u siiyay, iyada oo aanu ahayn saaxiibo soo wada shaqeeyay oo sharaf iyo ixtiraamba uu naga dhexeeyay ayaa waxaa yaab leh hadalada Naxliga iyo Hanjabaada ah ee qaarkood afkooda ka soo burqanaya, iyo Khalkhal gelinta iyo Shakiga ay Ummadii ay madaxda u ahaayeen ku abuurayaan qaarkood. Waxaan ka codsan lahaa in haddii ay Xilalkii ka tageen ay cagta dhigaan oo ay bulshadooda dhinac ka raacaan, kana fogaadaan murugo gelinta hooyooyinka suuqyada tamaandhada ku iibiya oo hadaladoodu ay naxdin gelinayaan.

SNM GG

Hadii Siyaasada lagaga gacan sarreeyay imika, waxaa haboon inay dib u milicsadaan Geesiyaasha ka gacan sarreeyay Jidka dheer ee dhibta leh ee ay Qarankan usoo mareen, waxaa haboon inay ogaadaan in Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin iyo ragga la midka ahi ay Gaajo, Dhaxan, Roob, Cadceed, Dagaal iyo Jid dheer ay usoo mareen Xorriyada aynu haysano, waana inay ogaadaan in halgankooda la’aantii aanay Wasiiro iyo madax toona noqdeen. Waxaa kale oo Muhiim ah inay Ogaadaan in Siyaasadu ay Samir tahay oo in loo Samrro loo baahan yahay, Imisa goor ayuu Gudoomiye Muuse Biixi kacaa-kufay? Imisa goor ayuu gees u baxay oo gorada la geliyay? Run ahaan Afkiisa waxaan wanaag ahayn lagama maqal, wuu samrray oo waxa uu sameeyay sharaf , isaga oo danta Dalkiisa iyo Danta dadkiisa ka horreysiiyay damaciisa shakhsiga ah. Waxaan usoo jeedinayaa Masuuliyiinta is casishay inay Samir la yimaadaan oo ay maalintooda sugaan oo ay Danta Dalkooda ay ka horreysiiyaan damacooda shakhsiga ah.

 

Ugu danbayn Qofkii u fikira si Khaldan ee isku daya inuu waxyeello u geysto Amniga iyo Nidaamka dawladnimo waa inuu ogaado in gacan bir ah lagu qaban doono, madaxda hoggaanka Dalka haysaana ay tahay kuwo aan Hanjabaad iyo Goroyo-khaakhlayn loola tegi karin, sabatoo ah waa Geesiyaal Xilliyo qadhaadh iyo Marxalado adag usoo maray Xorriyada aynu maanta haysano.

 

 

Waad mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here