Hargeysa: Xisbiga KULMIYE oo Buugaag ku Wareejiyey Maktabadaha Akhriska ee Maxamed Mooge iyo Gaandi + SAWIRRO

0
1079

HARGEISA, (HargeisaPress) β€” Xisbiga KULMIYE, ayaa buugaag ka mid ah kuwa la xidhiidha suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida ku wareejiyey maktabadaha Maxamed Mooge iyo Gaandi ee magaalada Hargeysa oo ah goobo dhallinyaradu wax ku akhrisato.

kul oo deq 7
Masuuliyiinta ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa 25 nuqul oo ka mid ah buugga cusub ee Bad Macaan ee lagu ururiyey qaybo ka mid ah suugaanta Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganay) ku wareejiyey labada maktabadood ee Maxamed Mooge iyo Gaandi maanta, si dhallinyaradu fursad ugu hesho ay kaga faa’iidaystaan suugaanta iyo dhaqankooda ku duuggan buuggan.

kul oo deq 2
Madaxa Waaxda Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE Mr. Cali Jaamac Maxamed oo uu uu wehelinayey Maxamuud Axmed Xirsi oo ka mid ah dhallinyarada ku firfircoon qoraalka iyo dhaqanka, ayaa buugaagtaasi ku wareejiyey masuuliyiinta maktabadahan.

kul oo deq 3
Mr. Cali Jaamac Maxamed, waxa uu sheegay in xisbigooda oo mar walba diyaar u ah dhiirrigelinta iyo taageerida da’yarta uu ugu talogalay buugaagtan tiradoodu kooban tahay inay ka faa’iidaysaantaan dhallinyarada aan fursadda u helin inay iibsadaan, si ay kor ugu qaadaan barashada afkooda iyo dhaqnkooda hooyo.

kul oo deq 4

Guddoomiyaha xarunta kaydka hiddaha iyo dhaqanka ee Maxamed Mooge Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax iyo weliba hawlwadeennada maktabada Gaandi, ayaa ka mahadceliyey deeqdaasi buugaagta ah oo ay sheegeen inay waxtar wayn u yeelanayaan dhallinyarada.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here