Hargaysa: Shirkadda Hass Petroleum Oo Qiimo Dhimis Ku Samaysay Shiidaalka

0
666

Hargaysa (HP): Shirkadda Hass Petroleum oo ka mid ah shirkaddaha shiidaalka dalka Somaliland keena ayaa shaacisay in ay jebiyeen qiimaha noocyadda kala duwan ee shiidaalka gaadiidka ee ay iibiyaan.
Iyadoo shirkadda Hass Petroleum tix-gelinaysa baaqii madaxweynaha Somaliland ee ahaa in wadanka loo raadiyo shiidaal jaban iyo kadib shir muhiim ah oo maamulka sare ee shirkaasi ay ku yeesheen magaalada Hargeisa.
Waxay shaaciyeen in shirkada Hass Petroleum qiimaha shiidaalka ee Jumlada (Wholesale) ay ku samaysay qiimo dhimis dhan halkii foosto $10 Dollar, taasi oo noqonaysa in halkii foosto lagaga helayo Berbera 143.784 oo Dollar.
Sidoo kale shirkada Hass Petroleum waxay qiimihii tafaariiqda (Retail) ay ku samaysay qiimo dhimis dhan halkii foosto 15 Dollar taasi oo ka dhigaysa qiimaha halka litir ee naaftada ah 7,300 SL Shilling.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed warbaahinta loo kala diray oo maanta ka soo baxay Xafiiska Guud ee Shirkadda Hass Petroleum, ee magaaladda Hargeisa.

War-saxaafadeedkaasi ay soo saartay Hass Petrolium, waxa uu u dhignaa sidan:
Date: March 6, 2022
Warsaxaafadeed: Xafiiska Guud ee Shirkadda Hass Petroleum, Hargeisa.
Ujeedo: Qiimo dhimis Shiidaal Naafto ah
Shirkadda Hass Petroleum oo ka mid ah shirkaddaha shiidaalka dalka ayaa shir muhiim ah oo Maamulkeedu maanta ku yeesheen magaalada Hargeisa, waxay ku falan-qeeyeen xaalada shiidaalka Naaftada ee kor u kaca weyni ku yimid mudooyinkii u dambeeyay, isla markaana qayb ka ah sicir-bararka tiradda badan ee ka dhacay wadanka.
Hadaba, Shirkadda Hass Petroleum oo tix-gelinaysa baaqii Madaxweynaha JSL ee ahaa in wadanka loo raadiyo shiidaal-jaban iyo Markabkii Naaftada Jaban siday ee ay wadanka keentay Shirkadda Dahabshiil Group, waxay shirkadda Hass Petroleum soo saartay qodobadan hoos ku qoran:
1. In Shirkada Hass Petroleum qiimaha shiidaalka ee Jumlada (Wholesale) ay samaysay qiimo dhimis dhan halkii foosto 10 Dollar taasi oo noqonaysa in halkii foosto lagaga helayo Berbera 143.784 oo Dollar.
2. In Shirkada Hass Petroleum qiimihii tafaariiqda (Retail) ay samaysay qiimo dhimis dhan halkii foosto 15 Dollar taasi oo ka dhigaysa qiimaha halka litir ee naaftada ah 7,300 SL Shilling.
3. Dhamaan cidkasta oo danaynaysa inay hesho shiidaalkan waxay naga helayaan laga bilaabo maalinta beri ah oo ku beegan 07 March 2022.
4. Qiimahan kor ku xusan waxay shirkadu ku iibinaysaa inta uu ka dhmaanayo shiidaalkan jaban ee ay Dahabshiil Group Wadanka keentay. Sidoo kale shirkadu waxay geed-dheer iyo mid gaabanba u fuuli doontaa sidii ay u keeni lahayd shiidaal kale oo jaban.
5. Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumadda Somaliland in cashuurta shiidaalka hoos loo dhigo mudadda lagu jiro abaaraha iyo sicir-bararka baahsan.
Gebo-gebadii waxay shirkadda Hass Petroleum oo la dareen ah dadku ugu bushaaraynaysaa bulsho-weynta reer Somaliland in dhamaan kaalmaha shiidaalka ee Hass lagaga helayo qiimahan kor ku xusan laga bilaabo taariikhda beri Insha ALLAAH.


Xafiiska Guud ee Shirkadda Hass Petroleum, Hargeisa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here