Reer Gabiley ku waayi mayaan xaqooda Madaxweyne Biixi ayaa..? Siyaasi Maxamed Gacayte.

0
1240

Inta aynu cambaaraynayno mashaariicda horumarinta ama aynu qaab reeraysan uga falcelinayno talaabo xaga horumarka loo qaaday waligeen guulaysan mayno. 

Gabiley sida ay deegaanada kale xaq ugu leeyihiin inay helaan mashaariicda horumarka ayay xaq ugu leedahay. Reer Gabiley ku waayi mayaan xaqooda Madaxweyne Biixi ayaa kasoo jeeda, wax siyaado ahna kuma raadinayan. Xuquuqda Gabiley kaga maqan Dawlada waxa ugu wayn GOBOLNIMADDA GABILEY oo buuxisay shuruudahii gobolnimo looga baahnaa ee Dastuurka JSL jideeyay. 

Xajiimaynta ay Xisbiyada Mucaaridka siiba Xisbiga Wadani uu dabada ka riixayo waa fariin cad oo farfar waa wayn ku qoran. Dhaam Biyoodka Gabiley waa hanti qaran oo lawada leeyahay, waxaan filayay inaw bilaw u noqoto fahamka baahiyaha aasaasiga ah ee Biyahu ugu horeeyo in lagula xisaabtamo xukuumada sidii biyaha loo qaban lahaa ama Riigag ha noqoto ama Biyo-xidheen loo samayn lahaa, iyadoo bulshadu kaalintooda qaadanaya. 

Horumarka aan doonayno iman maayo inta aynu danta guud ka hor marinayno danaha gaarka ah ama aan dacaayado raqiisa la daba socono wanaag kasta oo bulshadeena usoo kordha. 

Xukuumadda KULMIYE deegaan kasta way gaadhsiisay mashaariicda horumarinta ee qasnada dawlada laga maalgaliyo oo si daahfuran loo soo bandhigo. Dhaamka Gabiley wuxuu ka mid ahaa Mashaariicda ay baahisay Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL. 

“Hayeeshee quluub wadajirta qaniya sheekhoow” Abw. Timacade. 

Wabilahi tawfiiq 

Mohamed Gacayte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here