Wasiirka Biyaha oo Ceelal Biyood Cusub Ka Dhagax Dhigay Awdal

0
441

Boorama (HP): Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta dhagax dhigey saddex Ceel-biyood oo cusub oo lagu Kordhinayo Wajiga labaad ee biyo Balaadhinta Magaalada Borama.

Dhagax dhiga ceelashaasi waxaa wasiirka ku wehelinahay maamulka gobolka Awdal, iyo maamulka shirkadda Shaaba ee maamusha biyaha magaalada Boorama, iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay masuuliyiintaasi si wada jira u dhagax dhigay saddex ceel biyood oo laga hirgelin doono dhinaca Galbeed ee magaalada Boorama.

Saddexdan Ceel ayaa qayb ka qaadan doona biyo ballaadhinta magaalada Boorama, iyada oo ay wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland kala shaqaynayaan mashaariicdani Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.


Wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), oo hadal ka jeediyay dhagax dhigaasi ayaa sheegay in 2019-kii oo uu ahaa wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha uu dhagax dhigay ceelkii ugu horeeyay ee galbeedka magaalada Boorama.

Maanta na uu nasiib u yeeshay afar sanno ka dib in uu saddexdan ceel biyood oo kale dhagax dhigo.

Sidoo kale Najax Maxamed Aadan, iyo Anthony, oo ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, waxa aannay sheegeen in 6000 oo Meteri-kiyuubik oo biyo ah ay ceelashani ku soo kordhin doonaan biyaha magaalada Boorama ay hesho.

Geesta kale ceelashan saddexda ah ayaa noqonaaya wejigii labaad ee biyo balaadhinta magaalada Boorama.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here