Amal Baank oo Balanqaad U Samaysay-Ganacsatadii Hantida-Ku-Waayay Suuqyada Waaheen iyo Wajaale

0
859

Tog-Wajaale (HP): Baanka caalamiga ah ee Amal Bank qaybtiisa Somaliland ayaa shaaciyay in ay maal-gelin u samaynayaan ganacsatadii reer Somaliland ee hantidoodii ku gubatay suuqyadii Waaheen ee Hargeysa, iyo Tog-Wajaale.

Maareeyaha guud ee Amal Banka qaybteedda Somaliland C/fataxaan Ismaaciil Daahir, ayaa sheegay in ay Baan ahaan diyaar u yihiin in ay maal-gelin u sameeyaan ganacsatadii hantidoodii ka gubatay.

Waxaanu tilmaamay in dhamaanba suuqyadii Somaliland ee gubtay in hantidii ku gubatay ay ku jireen lacago laash ah, kuwaasoo Bakhaarada u dhex yaalay ganacsadda.

Sidaas darteedna, si looga bad-baado dhibaatadaasi waxa uu ganacsatada ku booriyay in ay lacagaha kaashka ah dhigtaan Amal Bank, isla markaana Amal Bank ay tahay meel amaan ah, oo lacagtu aanay waxba ku noqonaynin oo ah yaalaan khasnado aanu Dabku waxba yeelaynin.

Maareeyaha guud ee Amal Banka qaybteedda Somaliland C/fataxaan Ismaaciil Daahir, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad loo sameeyay xadhig ka jarka dhisme weyn oo casri ah oo ay Amal Bank ka hirgelisay magaaladda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

 


C/fataxaan Ismaaciil Daahir, oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waayadan danbe, waxaa inagu soo batay magaalooyinka Soomaalida, in suuqyadeena ganacsiga Dab qabsaday, oo ay gubteen. Xageenan Somaliland suuqii Waaheen ayaa ugu horeeyay, Wajaale ayaa ku xigtay, Jig-jiga, ayaa ku xigtay oo ay dhaqaale ahaan isku xidhan yihiin Wajaale.

Waxaan u rejaynayaa in dhamaanba ganacsatadii suuqyadii gubtay xoolahoodda ku waayay in ALLE SWT uu bedel khayr qaba ka siiyo”.

“Anagu ka Baan ahaan diyaar baanu u nahay, in aanu maal-gelin u samayno ganacsatadii hantidoodii ka gubatay.
Hantida suuqa Wajaale ku gubatay waxay isugu jirtay dhismeyaal, lacago kaash ah, iyo badeecado Bakhaarada ku gubtay.

Bakhaaradeena waxaa intoodda badan dhex taalla lacago kaasha ah. Markaa waxaan ku boorinayaa ganacsatadda Wajaale, ama ganacsatadda kaleba in ay Amal Bank dhigtaan lacagaha kaashka ah”ayuu yidhi C/fataax Ismaaciil Daahir.

Maareeyaha Amal Bank ee Somaliland waxa kaloo uu sheegay in dhismahan weyn ee casriga ah ee ka hirgeliyeen Tog-Wajaale in ah ugu tallo galeen in ay ganacsatadu hantidoodda ku aaminaan.

Waxaanu yidhi “Dhismahan weyn, ee Amal Bank uu Wajaale ka dhisay, waxaanu idiinku samaynay in aad hantidiina ku aamintaan.
Amal Bank, waa meel amaan ah, oo lacagtu aanay waxba idinkaga noqonaynin, Mhasnado, aanu Dabku waxba yeelaynin ayaana yaalla. Markaa waxaan idinku boorinayaa bulshadiina Wajaale, in ay hantidoodda ku aaminaan, oo ay dhigtaan Amal Bank”.


Geesta kale magaalo ganacsiyeedka Tog-Wajaale, waa magaalo ay ka hano qaadeen ganacsiyadda noocyadoodda kala duwan ee dabaqadda sare, iyo dabaqada dhexe ba.
Sidoo kale ganacsatadda waaweyn ee dalka, iyo shirkadaha ganacsiga, intoodda badani waxay Wajaale ku leeyihiin xarumo.

Sidaas darteed, ayaa Amal Bank iyadoo muhiimada ay Wajaale ganacsi ahaan leedahah ka duulaysa waxay go’aansatay in ay dhismahan casriga ah ka hirgeliso.

Sida uu sheegay C/fataax Ismaaciil Daahir, maareeyaha Amal Bank ee Somaliland, “Amal Bank, isagoo muhiimadaa eegaya, wuxuu go’aansaday inuu Wajaale, ka horaysiiyo gobollo kale, iyo magaalooyin ka waaweyn, ka na dad badan Wajaale. Sababtaa ayaanu Wajaale ugu dooranay in aanu uga furano dhismihii afraad” ayuu yidhi C/fataax Ismaaciil Daahir.


Dhinaca kale xadhig ka jarka dhismahaasi waxaa ka soo qayb galay guddoomiye ku-xigeenka baanka dhexe ee Somaliland, guddoomiyaha Wajaale, ganacsatadda Wajaale qaarkood, cuqaasha, odayaasha, iyo waxgaradka degmadda Wajaale, iyo marti sharaf kale.

Waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen dhismahan cusub ee ay Amal Bank ka furatay Wajaale, iyagoona Amal Bank, uga mahad celiyeen doorka ay ka qaadatay horumarinta bulshadda deegaankaasi.

Kuwaasoo ay ka mid tahay shaqo abuur ay dhalinyarada u samaysay, iyo sidoo kake maal-gelinta ganacsiyadda yar yar, iyo haweenka.

Sida gaadiidka yar yar ee loo yaqaano Bijaajta, oo ay dhalinyarada lacagaha ka bixisay 80%, iyadoo na arrintaasi ay fursad fiican u noqotay dhalinyaradda. Waxa kaloo ay xubnahaasi Amal Bank ku bogaadiyeen dhiiri gelinta ganacsatadda, iyo maal-gelinta beeralayda dalka ay u samayso.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here