Hargaysa: Booliska Oo Soo Qabtay Nin Sixir Dadka Ku Dhaci Jiray

0
335

Hargaysa (HP): Ciidanka Booliska JSL gaar ahaan saldhiga dhexe iyo qaybta xuuraanka oo is kaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedaysan inuu hanti badan xaday.

Ninkan eedaysanaha ah oo magaciisa lagu sheegay Xamse Yuusuf Maxamed, ayaa qaab sixir ah dadka uga dhacaayay Hantidooda.


Eedaysanahan oo ay mudo ku dabo jireen ciidankan boolisku waxay soo qabteen isagoo ku sugan mid ka mid ah huteelada magaalada Hargeysa oo uu daganaa mudo labad sano ah.

Waxaana isla gobtii lagu tagay Baastoolad, Dahab iyo Maar isku jira, Geed sixir ah, iyo 17 mobile-ka gacanta ah oo noocayadda yar yar ee dan ka hadasha loo yaqaano ah.

Shan xabadood oo mobiladda nooca smart phone ka ah, 27 shanadood oo nooca dumarku gacanta ku qaataan ah, Aqoonsiyo kaadhka dhalashada Somaliland iyo Documentiyo kale.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay maanta soo saareen ciidanka booliska Somaliland gaar ahaana saldhiga dhexe ee caasimadda Hargaysa.
Geesta kale ciidanka booliska saldhiga dhexe warkan ay soo saareen waxay fariin ugu direen dadka ay alaabooyinkaasi ka maqan yihiin in ay la soo xidhiidhaan.

Iyagoona baahiyay sawiradda qalabkaasi kala duwan ee ay ninkaasi eedaysanaha ah ku sop qabteen.

“Fadlan cidii garata Alaabtaasi ee ay ka maqan yihiin ha la xidhiidhaan xafiiska baadhista saldhiga dhex ee Hargeysa” ayay ku yidhaahdeen warkaasi ay soo saareen boolisku.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here