Laascaanood: Ciidanka Qaranka JSL Oo Guul Ka Gaadhay Dagaalkii Maanta

0
327

Laascaanood (HP): Ciidanka Qaranka JSL ayaa guulo ka gaadhay dagaal ay saaka ku soo qaadeen Ciidamada huwanta ah ee ka dagaalamaya magaalada Laas-caanood.

Waxaana dagaalkan Ciidanka Qaranka Somaaliland ku qabsadeen gaadiid dagaal iyagoo sidoo kalena gacanta ku dhigay maxaabiis badan.


Sidaasina wayaa lagu shregay war-saxaafadeed ay dagaalka maanta ka soo saartay wasaaradda Gaashaandhiga JSL.

War-saxaafadeed:

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fashiliyay isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku JSL ka soo hooyay guullo waawayn.


Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kasta ilaalinaysaa xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday, Ciidanka Qaranka JSL wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaadha Magaalada Laascaanood.

Ciidanka Somaliland, isaga oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, wuxuu hadana cid walba xasuusinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Wasaaradda Gaashaan-dhiga JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here