Burco: Ururka Afur-kal-kaal Oo Raashin U Qaybiyay Dad Danyar ah

0
376

Burco (HP): Ururka khayriga ah ee Afur-kal-kaal oo sanad kasta marka la gaadho bisha Ramadaan caawiya dadka danyarta ah ayaa maanta caawimo raashin ah u qaybiyay qoysas ku nool magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Qoysaska raashinka caawimadda ah loo qaybiyay ayay tiradoodu dhamayd 60 qoys, kuwaasoo qoyskiiba la siiyay raashin ku filan muddo bil ah, isla markaana isugu jiray noocyo kala duwan.


Waxaana qaybinta caawimadaasi fuliyay xubno ka mida masuuliyiinta ururka Afur-kal-kaal, iyadoo na ay shalay sidan oo kale raashin caawimo ah ugu qaybiyeen dad baahan magaaladda Hargaysa.

Masuuliyiintii ka socday Afur-kal-kaal, ee raashin qaybinta maanta ka sameeyay Burco waxaa ka mid ahaa Sakariye Cabdiraxmaan, oo degan magaaladda Burco, isla markaana ay maamulka Afur-kal-kaal u xilsaareen qaybinta caawimadaasi.

Sakariye Cabdiraxmaan, oo ka warbixinayay caawimadaasi ay qaybiyeen ayaa sheegay in ay raashin isugu jira Bariis, Sonkor, Daqiiq, iyo qaybo kale ay u qaybiyeen qoysas dan yar ah oo ku nool magaaladda Burco, kuwaasoo tiradoodu ay dhamayd 60 qoys.

Waxaanu Sekeriye C/raxmaan, u mahad celiyay cid kastoo ka qayb qaadatay dhaqaale ahaan bixinta caawimooyinka ay goboladda dalkoo dhan ka qaybinayso Afur-kal-kaal. “ILAAHAY SWT ha barakeeyo cid kasta oo ka qayb qaadata Barnaamijka Afur-kalkaal” ayuu yidhi Sekeriye.

Tiradda dadka danyarta ah ee uu ururka Afur-kal-kaal ilaa hadda u qaybiyay raashinka caawimadda ah ayaa gaadhaya 140 qoys, kuwaasoo ku kala nool magaalooyinka Burco, iyo Hargaysa.


Waxaanay masuuliyiinta Afur-kal-kaal sheegeen in ay lixda gobo lee waaweyn ee dalka ka qaybin doonaan raashinkaasi, isla markaana ay gaadhsiin doonaan dadka danyarta ah, maadaama oo lagu jira bishii Ramadaan.

Geesta kale qaar ka mid ahaa dadkii danyarta ahaa ee caawimaddaasi loo qaybiyay ayaa ka mahad celiyay kaalmadan la soo gaadhsiiyay, taasoo ay sheegeen in ay aad ugu baahnaayeen wakhtigan lagu jiro Ramadaanka.

Dhinaca kale masuuliyiinta ururka Afur-kal-kaal ayaa ugu baaqay dadka reer Somaliland ee wax haysta in ay ka soo qayb qaataan quudinta walaaladoodda baahan, ee aan haysan raashin ku filan oo ay quutaan xiligan Ramadaanta ah.

Waxaanay fariintaasi u dhignayd sidan “Ha laga qayb qaato khayrkaas oo ha lagu soo dirro numberaddan sawirka ku
qoran”.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here