Hargaaysa: Qayb Cusub Oo Lagu Kordhiyay Cusbitaalka Qaaxada

0
339

Hargeysa (HP): Wasiirka Wasaarada Horumarinta Cafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa shalay xadhiga ka jaray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyay Cisbitaalka qaaxada ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Wasaarada Horumarinta Cafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarista dhismayaashan lagu soo kordhiyay Cisbitaalka Qaaxada ayaa sheegay in baahida Caafimaadka aan laga dabooli katin Miisaaniyadda Wasaarada.
Waxaanu yidhi β€œCaafimaadku wuu hawl badan yahay Xukuumadduna kaligeed kuma filna in baahida Caafimaadka oo dhan laga daboolo Miisaaniyadda Wasaarada Caafimaadka.
Waana in si hoose loo eego oo la daryeelo dadka qaba Xanuunka Qaaxada iyo Xanuunka dhimirka oo ku soo badanaya dalka oo loo sameeyo goobo lagu daryeeli karo,”.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Horuamrinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xargeeye oo hadal ka jeediyay isaguna halkaas ayaa waxa uu sheegay in lacagta ku baxday dhismayaashan ay bixisay Wasaarada Caafimaadka.
Waxaanu yidhi β€œDhismayaashan lagu soo kordhiyay Cisbitaalka Qaaxada ee Hargeysa lacgta lagu dhisay waxa bixisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka,waxaana laga bixiyay sanduuqa Covid Covid ee Wasaarada Caafimaadka gacanta ku hayso,”.
Sidoo kale Agaasimaha Cisbitaalka Qaaxada Hargeysa Cismaan Cabdi Maygaag oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu uga mahadnaqay Wasaarada Caafimaadka dhismayaashan ay ku soo kordhisay Cisbitaalka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here