Weftigii Uu Hogaaminayay Saylici Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

0
284

Jabuuti (HP): Wefti uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo safar shaqo ugu maqnaa dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Weftigaasi oo ka koobnaa maayaarada magaalooyinka Somaliland ayaa dalka Jabuutiga waxaa shalay uga furmay shirka Maayarrada maamul-daadejinta dawladdaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland Axaddii shalay, kaasoo socon doona muddo laba maalmood ah.
Waxaana shirkaasi furay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo booqasho ku joogga dalkaasi.
Shirkaasi waxaa soo qaban qaabisay haayadda UNDP, iyadoo maayarrada ka qaybgalay ay ku qaadan doonaan arragti wadaag iyo aqoon la xidhiidha hogaaminta suuban ee Maamulka dawladdaha hoose.
Maayarrada ka qayb galay shirka oo uu hoggaaminayo Cabdikariim Axmed Mooge duqa caasimada Hargeysa, ayaa ka kooban magaalooyinka uu ka socdo mashruuca maamul-daadejinta iyo isku-xidhka dawladdaha hoose.
Sidoo kale waxa ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaaraddaasi iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkaasi Amb. Cabdifataax.
Duqa caasimada Djibouti Faadumo Cawaale Cismaan, ayaa iyaduna kamida masuuliyiinta ka qaybgalay furitaanka kulanka, iyadoo hadal ay halkaasi ka jeedisay munaasibada si diirran ugu soo dhaweysay wufuuda martida u ah ee ka socda Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay inay safaarad ahaan ka geysteen doorkii kaga aaddanaa suurtogelinta kulanka, waxaanu u mahad-naqay dawladda dalka Djibouti iyo maayarka Caasimada dalkaasi oo uu tilmaamay inay si mug iyo miisaan leh u soo dhaweeyeen weftiga culus ee uu madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayo.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo kulanka furay, ayaa ugu horayn u mahad-naqay madaxda dalka Djibouti, maayarka caasimada Djibouti iyo dan-wadaagta mashruuca JPLG-ga, gaar ahaan Hay’adda UNPD.
Isagoo dhinaca kale ku dheeraaday ahmiyadda uu shirkani u leeyahay horumarinta magaalooyinka Waddanka.
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxa uu ka qaybgaleyaasha ku booriyey inay diirrada saaraan waxyaabaha udub-dhexaadka u ah qorshaha mashruuca maamul-daadejinta dawladdaha hoose, kana faa’idaystaan afkaarta maalmaha uu socdo halkaasi laysku waydaarsanayo iyo duruusta la siinayo.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadd Somaliland waxa uu intaasi ku daray in madaxda dalka ay martida u yihiin ee Djibouti si qurux badan oo qiimo leh u soo dhaweeyeen.

Geesta kale Weftigaasi uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ee safarka shaqo ku joogay dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
“Aniga iyo waftigii aan hogaaminayay ee maayarrada caasimadaha gobalada Somaliland ee maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Waxaan u mahad naqayaa maamulka Gobalka Sallal, Madaxda Degmada, Laamaha kala duwan ee Dawladda iyo Bulshada deegaanada Lowyacado, Toqoshi Iyo Degmada Saylac ee Xarunta Gobalka Sallal oo si balaadhan noogusoo dhaweeyay dalka” ayuu ku yidhi qoraalkiisa C/raxmaan Saylici.
Dhinaca kale waa markii ugu horaysay ee shirka Maayarrada Degmooyinka JSL lagu qabto Dalka Djibouti caasimadiisa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here