Guuleed Axmed Jaamac Oo Cuntada Ka Soomay iyo Ururka Qareennada Oo Ku Baaqay In La Sii Daayo

0
822

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Ururka Qareennada Somaliland, ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in xorriyaddiisa loo soo celiyo Gudoomiyihii Hay’adda Xuquuqal Iisaanka ee Somaliland Human rights Center, Guuleed Axmed Jaamac oo Muddo u xidhan Xukumadda.

 

Guuleed Axmed Jaamac, oo Xarun xuquuqal Iisaan oo fadhigeedu Hargeysa yahay Gudoomiye ka ah ayaa Xukumaddu dhawaan xidhay kadib markii uu Waraysi siiyay BBC-da kaasi oo uu ku duray hanaanka Garsoorka Somaliland oo dhaliilo ka jiraan. Guuleed ayaa haatan cuntada ka soomay.

 

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Qareennada Xasan Cali Xasan, ayaa sharci darro ku tilmaamay xadhiga Mr Guuleed, isagoo tilmaamay inuu maxakamad la’aan Xabsiga ugu muddo dhaafay. Waxa uu sheegay inaan hanaanka Shuruucda gar yaqaanada loo marin xadhiga Guuleed. Gudoomiye xigeenka ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu sii daayo Gudoomiyaha maadaama ilaalinta Sharciga iyo xuquuqda Aadamaha umaddu u xilsaaratay Madaxweyne Siilaaanyo.

 

XIldhibaan Maxamed Saalax, oo ka tirsan golaha wakiilada kana mid ah Ururka Qareennada ayaa isna tilmaamay in aragtida Guuleed ee godoloolooyinka sharciga dalka ka jira lagu xidhay β€œSida Abwaanka oo kale ayaa Qofka Sharci yaqaanka ah waxaa u muuqda God daloolooyinka iyo dhibaatooyinka Sharci ee jira ee dalka iyo dadka laga galo. Ma aamusi karo oo wuu ka hadlayaa, taasina waxay keenaysaa inaan Xukumaddu raali ka noqon, sidaas baana had iyo jeer loo cadaadinayaa dhamaan gar yaqaanada meel ay joogaan ba. Guuleed na kuwaas uun buu ka mid yahay oo dubbaha uun baa ku dhacay, gar yaqaanada kale ee la mid ahina haddii ay wax qoraan taas uun baa u taala”

 

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inaan waxba ka jirin arrinta loo haysto Guuleed β€œWaxaan ogahay in kutidhi kuteen la galiyay bulshada oo la leeyahay Guuleed wuxuu ka horyimid Shareecada Islaamka. Taasna waxaan leeyahay oon bulshada ugu caddaynayaa ha lagu soo celceliyo haddii la rabo hadalkii uu yidhi, waxaanan leeyahay taasi mid jirta maaha ee waa Barobagaando suuqa la galiyay ee Guuleed waa Nin Muslim ah oo Sharci yaqaan ah, uma cuntanto oo uma qalanto inuu yidhaahdo hadal Shareecada ka hor imanaya”

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here