Xildhibaanadda Iyo Wasiiradda Xisbiga Kulmiye Oo Laga Jaray Gunooyin Lagu Naas-Nuujin Jiray

0
864

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa dhawaan joojisay guno Kun doolar  calaa shaqsi ah oo wasiirkii hore ee maaliyadda C/casiis  Maxamed Samaale uu si qarsoodi ah ugu naas-nuujin jiray xildhibaanadda xisbiga Kulmiye.

Waxa kale oo ay wasaaradda maaliyadu joojisay bixinta lacago ku jiray miisaaniyada dawladda oo ku magacawnaa ‘gunooyin gaar ah’ oo ay qaadan jirreen Wasiiradda Duulista iyo Hawadda, Warshadaha iyo Arrimaha Gudaha xiligii uu Samaale wasiirka maaliyadda ahaa.

Sida ay ilo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen gunooyinkanka gaarka ah ee wasiiraddu qaadan-jireen oo xadigooda lagu qiyaasay Tobanaan Bilyan oo shilinka Somaliland ah ayaa waxa amarka joojintooda bixisay wasiirka maaliyadda ee cusub Samsam Cabdi Aadan ka dib markii ay ogaatay in qoondaynta gunooyinkaasi ay khalad ahayd oo aanay jirin sabab ama baahi dhab ah oo loo cuskan karo bixintooda.

Dhinaca kale xildhibaanada xisbiga Kulmiye ayaa gunooyinka Kunka doolar ah ee qayrul-sharciga ah ee ay qaadan jireen waxa loogu qaybin jiray  beel-beel, iyadoo qabiilkasta xildhibaanadooda loogu dhiibi jiray xubin ay isku beel yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here