Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Muqdisho oo Loo Qaaday Dalka Turkiga

0
670

Muqdisho (Hargeisa Press) – 16 Qof oo ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa maanta loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaa loogu soo daweeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Madaarka Muqdisho ku soo sagootiyey dhaawacyada loo qaaday Turkiga, waxaanu eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku  bixin doonto dedaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo  dhammaystiran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku dhintay qaraxa Ex-Kaantarool Afgooye Shalay ka dhacay, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaalida, gaar ahaan muwaadiniinta dhaawacyada ay kasoo gaadheen qarixii Naxariis-darrada ahaa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaateeyeen argagixisadu oo ay ka burburiyeen guryahooda iyo hantidooda.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here