Guddoomiye Saleebaan Oo Qorshe Xukumaddu Waddo Bulshada U Laqimay + Muuqaal

0
1034

Hargeysa, (HargeisaPress) —fadhigii golaha guurtida Somaliland ayaa lagu soo hadal qaaday  biyo yaraanta Somaliland ka jirta, miyi iyo magaalaba, waxaanu guddoomiyaha oo mudaneyaashu arrintaasi la soo hadal qaadeen ku gaabsaday in xukumaddu u sheegtay in meelo badan laga heli doono biyo.

 

Xukumadda oo marar badan aanay fulin ballanqaadyo ku saabsanaa biyo ku filan oo ay Hargeysa hesho, horena u balanqaaday sanadka dhammaaday in biyaha la heli doono ayaan illaa hadda balanqaad wakhtiyaysan laga hayn, balse guddoomiye Saleebaan ayaa mudaneyaasha u sheegay in xukumaddu sheegtay in sanadka bilaami doona dalka biyo laga heli doono, gaar ahaanna Hargeysa.

 

Waxa uu ka marag kacay harraadka saamaynta ku yeeshay bulshada Somaliland, wakhtigan oo ay jiraan abaaro degaannada qaar saamayn ba’an ku yeeshay, wuxuuna tilmaamay in xukumaddu ku hawlan tahay biyo balaadhinta.

 

Halkan ka Hoose ka daawo Muuqaalka

 

 

 

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here