Somaliland: Guddida Doorashada iyo Xisbiyada Qaranka Oo Madaxweynaha La Kulmay + Muuqaal

0
991

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan la qaatay komishanka doorashada iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland. Kulanka ayaa daarranaa falanqaynta qaabkii ay diwaangalinta codbixiyeyaashu u bilaami lahayd. Diwaangalinta codbixiyeyaashu waa mid ka mid ah fureyaasha qabsoomida doorashada 2017-ka.

 

Guddida doorashooyinka qaranka ayaa xukumadda iyo xisbiyada soo hor dhigtay habka gobollada dalku ugu kala horraynayaan diwaangalinta codbixiyeyaasha iyo wakhtiga la qaban doono oo lagu sheegay horraanta bisha January ee sanadka foodda inagu soo haya ee 2016-ka. Saddexda xisbi ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin arrimahaasi, islamarkaana ku bogaadinayaan guddida doorashada.

Halkan ka Hoose ka daawo Muuqaalka

 

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here