Guddoomiye Ku-Xigeenka Sool Oo Ka Warbixiyay Qaadashadda Kaadhka Codbixinta

0
567

Laascaanood (HP): Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi, ayaa ka warbixiyay halka ay marayso ย qaadashadda kaadhka codbixinta ย gobolkaasi iyo gobolo kale ka bilaabantay.

Waxaanu sheegay in hawshaasi ay si wanaagsan ooย  hab-sami ah uga bilaabantay gobolkaasi, isla markaana ay dadweynuhu si wanaagsan u qaadanayaan kaadhadhka codbixinta.

Ku-simaha guddoomiyaha Soolย  ayaa bulshadda gobolkaasi ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codbixinta si ay u codeeyaan marka la gaadho doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka oo la qorsheeyay in ay badhtamaha sanadkan dalka ka qabsoomaan.

Saleebaan Diiriye Cabdi, oo warbaahinta dawladda ee Somaliland ugu waramay xafiiskiisa ayaa fariin u diray qurbe joogta u dhalatay gobolkaasi eeย  ku kala nool dacaladda dunidda, oo uu ugu baaqay in ay soo dhistaan gobolkoodda.

 

DAAWO: Guddoomiye Ku Xigeenka Oo Arrimahaasi ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here