Wasaaradda Waxbarashadda Oo Damaanaq Qaaday Dhaqaalaha Waxbarashadda Ayaan Yuusuf

0
503

Hargaysa (HP): Wasaaradda waxabarashada Somaliland ayaa maanta shaacisay in ay  kalaafo qaaday dhaqaalaha ku baxaya waxbarashadda Ayaan Yuusuf Maxamed, oo ah gabadh da’ayar oo dhawaan laga duubay muuqaal ay bulshadu dhibsatay.

Kadib markii haweenay ay qarraabo yihiin oo ay gurigeedda kula noolayd ay ka duubtay muuqaal tacadi ah oo ay ku Han-dadaysay, isla markaana ay ku baahisay baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka dhacdadaasi oo ay si weyn uga gil-gisheen guud ahaanba ummadda Somaliland.

Muuqaalkaasi oo la baahiyay horaantii bishii hore ee January ayaa markii uu soo baxay waxaa jiray dadyow kala duwan oo ku kala nool dacaladda dunidda iyo haayaddo dawladeed oo sameeyay balan qaadyo ay ku garan istaagayaan gabadhaasi yar.

Waxaana wasaarradihii balan qaadka sameeyay ka mid ahady wasaaradda waxbarashadda Somaliland oo sheegtay in ay damaanad qaadayaan kharashka waxbarasho ee Ayaan Yuusuf Maxamed, maadaama oo aanay fursad u helin in ay waxbarato.

Iyadoo wasaaradda waxbarashadu ka jawaabaysa balan qaadkaasi ay hore u samaysay ayaa maanta waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ayaan Yuusuf Maxamed, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somalialnd Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

Waxaanu sheegay wasiirku in ay wasaaraddu dammaanad qaaday waxbarashadeeda, iyadoo waaxda warbarashada tooska ah ee wasaaraddaasi ay gayn doonaan Ayaan yar, dugsiga waxbarasho  ee ay iyadu doorato ama ka gurigoodda ugu dhaw.

Wasiirka waxbarashadda Axmed Maxamed Diiriye (Toorno),  ayaa ku booriyay guud ahaanba bulshadda Somaliland in lala dagaalamo  lana joojiyo cid kasta oo tacadi ku samaynaysa carruurta iyo qof kastoo jilicsan.

Isagoona  tilmaamay in mustaqbalka mark ay Ayaan Yuusuf Maxamed, heer sare ka gaadho waxbarashadda uu ka rejaynayo in ay ka shaqayn doonto tacadiyadda ka dhanka ah carruurta.

Kulankaasi lagu qaabilay Ayaan Yuusuf Maxamed, waxaa goob jog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Axmed Abokor Maxamed, agaasimaha waaxda waxbarashadda tooska ah ee wasaaradda waxbarashadda Xuseen Cabdi Cawil (Food-cade), iyo masuuliyiin kale oo wasaaradaasi ka tirsan.

Geesta kale kulankii ay wasaaradda waxbarashadu ku qaabishay Ayaan Yuusuf Maxamed, waxaa ku wehelinayay abtigeed Shaafi Ciise Cismaan.

Waxaanu  guud ahaan xukuumadda Somaliland uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen Ayaan, isagoona tilmaamay in arrintaasi ay tahay  tallaabo wanaagsan.

Dhinaca kale, Ayaan Yuusuf Maxamed, waxaa hore u shaqaaleeyay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid uu kaga jawaabayay muqaalkii tacadiga ahaa ee gabadhaasi yar laga duubiyay.

Ayaan, ayaa hadda ah shaqaale rasmi ah oo ka tirsan shaqaalaha baanka dhexe ee Somaliland xaruntiisa magaaladda Hargaysa.

 

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here