Murashax Xuuto Oo Biyo Dhaamis Ka Sameeyay Deegaamo Ka Tirsan G/Maroodijeex

0
701

Abaarso (HP): Murashax Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo u taagan golaha Wakiiladda ee gobolka Maroodijeex ayaa caawimo biyo ah gaadhsiiyay deegaanka Laalays oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Waxaanu  murashax Xuuto,  gaadhsiiyay dadka degan deegaanka Laalays 12 Booyadood oo biyo ah, biyahaasi oo ay baahi weyn u qabeen dadka deegaankaasi, maadaama oo lagu jiro xili Jiilaal ah oo ay biyuhuna aad u yar yihiin.

Biyahaasi ayuu murashax Xuuto, gaadhsiiyay deegaamadda Dhaboolaq, Laalayska iyo ilaa Abaarso dusheedda. Meelahaasi ay biyo la’aan ka taagan tahay xiligan.

Murashaxa Xuuto, oo ka sharaxan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sidoo kale waxa uu isla deegaanka Laalayska ka fuliyay banaynta Waddo bulshada deegaankaasi  ku xidhaysa magaalooyinka Hargaysa iyo Abaarso.

Ma aha markii u hiraysay oo uu Maxamuud Cabdi Jaamac, biyo dhaamis ama caawimooyin kale gaadhsiiyo deegaamadaasi, hase yeeshee wuxuu sheegay in shanti sanadood ee u danbeeyay uu hawlo kala duwan ka qabtay deegaamadaasi oo uu ka soo jeedo.

Geesta kale, qaybaha kala duwan ee dadweynaha ku dhaqan deegaamadda uu murashax Xuuto, biyaha gaadhsiiyay ayaa uga mahad celiyay caawimadan uu soo gaadhsiiyay, taasoo ay tilmaameen mid ay baahi weyn u qabeen.

Waxaanay waxgaradka, odayaasha iyo bulshadda deegaamadaasi balan qaadeen in ay murashaxa codkododa siinayaan marka la gaadho doorashooyinka, isla markaana uu yahay murashax kasbaday dadka deegaamadaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here