Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashooyinka

0
768

Hargaysa (HP): Β Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in ay ka gole ahaan fuliyeen wax kastoo ka mid ahaa waxyaabaha caqabadda ku ah doorashooyinka.

Waxaanu sheegay in sababta keentay dib u dhaca doorashooyinka ay tahay khilaafka xisbiyadda iyo xukuumadda u dhexeeya ee xubnaha komishanka doorashooyinka.

Hase yeeshee iyagu ka gole ahaan ay diyaar u yihiin in ay kuraasta baneeyaan marka heshiis buuxa laga gaadho muranka axsaabta iyo xukuumadda.

Axmed-yaasiin Cali Ayaanle, waxa kaloo uu xusay in aanay golaha Wakiiladu wax lug ah ku lahayn murankaasi, isla markaana ay iyagu ku ekaadeen kaalintoodda.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta u waramay telefishanka SAAB, waxa kaloo uu ka hadlay arrinta heshiiskii nabadeed ee ay qaadatay jabhadii Kornayl Caare.

Wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Halkan Ka Daawo Waraysigaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here