Guddoomiyaha UCID Oo Soo Dhaweeyay Soo Af-jarida Jabhadii Kornayl Caarre

0
564

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha  xisbiga UCID ayaa soo dhaweeyay heshiiska iyo wada hadalkii lagu soo af-jaray  khilaafkii  u dhaxeeyay  xukuumadda  Somaliland iyo Jabhadii  kornayl  Siciid  Cawil Caarre.

Waxaanu ku bogaadiyay madaxdhaqameedkii hawshaa ka soo shaqeeyay iyo xukuumadda oo wada jir arrintaa uga wada socday iyo Cornayl Caarre oo nabad qaaday isla markaana diiday in uu cadaw ku noqdo Somaliland.

Eng. Faysal  Cali  Waraabe, ayaa si gaara ugu mahad naqay suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo cidii kale ee dhamaystirka arrintaasi kala soo shaqaysay.

Guddoomiyaha UCID ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay heshiiska nabadeed ee ay qaadatay jabhadii Caare, tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid ka cadhaysiin doonta cadawga Somaliland.

“Waxaan  u mahad naqayaa  dadkii  ka  soo shaqeeyay in ay soo  dhamaato arrintaa Jabhadii  Caarre,  oo  ugu  horreeyo  suldaan  Maxamed  Xirsi  Xirsi  Qani  ALLE  Caafimaad ha siiyo iyo  intii  kale  ee  gacanta  siisay ba.

Waxaanan ku  hambalyaynayaa  Kornayl  Caarre, oo wax kasta lagu  baayacay, oo  diiday  in  uu  calanka    Soomaliya  qaato. Dad  badan  oo cadaw ahi   maanta way  daadan  doonaan”.

Geesta kale Eng. Faysal, ayaa rejo ka muujiyay waxyaabaha kale ee carqaladaha ah ee ka jira Somaliland in ay sida taas oo kale ku dhamaadaan.

“Waxaanan jecelahay waxyaabaha kale  ee  inoo  hadhsan na  in  sidaas oo kale ay ku dhamaadaan.  Waxa  kaloo aan  hambalyaynayaa  dadkii Ceel-afweyn ee nabadda ka dhaliyay”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here