Guddoomiye Khaliif oo Madaxweyne Biixi La Dar-daarmay

0
1316

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa kula dar-daarmay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, inuu xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka taagan uu waayeelnimo ku waajaho.

Waxaanu sheegay in madaxweynaha looga baahan yahay in duruufaha dalku marayo uu ku waajahdo odaynimo iyo ururin, isla markaana arrintaa wax ka qabashadeedda uu isaga xil gaar ahi ka saaran yahay.

C/rasaaq Khaliif Axmed, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu xalay ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta qaran ee 18-ka May oo xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland.

DAAWO: C/rasaaq Khaliif Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here