Guddoomiye Cirro Oo Maanta Kumanaan Qof Si Diiran Ugu Soo Dhaweeyeen Magaaladda Hargeysa + SAWIRRO

0
1270

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin waraaq la sheegay inuu u qoray dalka Finland oo uu ku sheegay in haddii uu madaxweyne noqdo uu ka mid noqonayo Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ayey qaar warbaahinta ka mid ahi qoreen qoraal la sheegay inuu qoray gudoomiyah golaha Wakiiladda taasoo uu xusay inuu ogol yahay mabda’a fadaraalka Soomaaliya, haseyeeshee waxa uu arrintaasi ku tilmaamay qaar ay qoreen shakhsiyaad uu sheegay inay caadaysteen inay mar walba ka qoraan warar aan jirin oo dacaayado u badan.

wadani 54

Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu maanta dib ugu soo noqday magaaladda Hargeysa ka dib markii uu safar caafimaad oo uu ku tagay dalka Turkiga ka soo laabtay.

Ugu horeyn waxa uu guddoomiye Cirro ka hadlay intii uu joogay Turkiga masuuliyiinta uu la kulmay waxaanu yidhi β€œWaxaan la kulmay waarada arimaha dibadda dalka turkiga, agaasimaha guud ee waaxda Afrika iyo saraakil la socday waxaana kala hadlay arrimaha Somaliland iyo iskaashiga xaga baarlamaanka, intii aan joogay waxa hoteelka igu soo booqday gudoomiyaha ardayda Somaliland”.

wadani56

Mar uu ka jawaabayay eedda lagu eedeeyey ee ah inuu aaminsan yahay mabda’ Soomaali weyn waxa uu yidhi β€œSomaliland waxa iska soo baxay ma ahan ee waa go’aan shacab oo qofna aanay waxba ka bedeli Karin, oo madaxweyne bedeli Karin, oo qof shakhsi bedeli karin, umaday ceeb ku tahay in la yidhaahdo Somaliland baa la iibinaya, go’aan shacabna cid bedeli karta ma jirto, shakhsiyan Somaliland waxaan is leeyahay cid kaa badin karta ma jirto oo waqti badan uma soo galeen hadii aanan aaminsayn Somaliland, waxaan isleeyahay shacabkaaga waxaad ku hogaamin karta himiladda ay doonayaan, xisbiga WADDANI waa xisbiga rajada ee Somaliland, waa xisbi hankiisu yahay inuu ku hoggaaminayo nabad iyo ictiraaf”.

wadani 43

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay waraaq la sheegay inuu gudoomiye Cirro u diray Finland oo sheegay in haddii uu doorashadda ku soo baxo qaadanayo nidaamka fedaraalka ah waxaanu yidhi β€œMudaddii aan maqnaa sidii caadada ahayd wargeyso iyo warbaahinta kaloo ku xiran xukuumada waxay sida awalba iga qori jireen waxa ay iga qoreen warar been ah wararkaasi beenta ah waxa ugu dambeeyey warqad ay yidhaahdeen guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa u qoray dalka Finland, waxaan ummadayda reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga WADANIBA u sheegayaa una cadaynayaa in aanay wararkaasi aanay waxba ka jirin balse ay tahay beentii awalba la iga qori jiray”

Waxaanu intaas ku daray β€œWarqadaas anigu ma qorin, waxaana lagu shaanbadeeyay shaa-baddii qaranka ee golaha Wakiiladda, marka wax la qorayo wax run u eeg baa la qoraa, ninka qoraalkaasi qoray ee Ingiriisiga ku qoray xiitaa malaha muu dhigan buugga kowaad ee Ingiriisiga, inta hore ingiriis buu ku qoray xaga dambena waxa uu ku soo xidhay Alla mahad leh o oaf soomaali ah shaanabaddiii iyo saxeexaygiina wu ku dhajiyey”.

Guddomiyaha Xisbiga WADDANI Cirro waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku sheegay warar kale oo laga qoray oo sheegay in dawladdo isku geeyeen Isagaiyo madaxweynah Somaaliya intii uu joogay dalka Turkiga.

β€œmar mar iyado aniga la ii jeeddo ayey dawladdo aynu jaar nahay oo aynu saaxiib nahay eedeen usoo jeediyeen, waxay yidhaahdeen dawladda Jabuuti ayaa dhex dhexaadinaysay Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya,Waxa la dhex dhexaadiyaa dawlado ee shakhsi iyo dwlado lama dhex dhexaadiyo, waxaan shacabka Somaliland u cadaynaya in dawlado iyo aniga cid na dhex dhexaadisay aanay jirin, lacag aan cid waydiistay aanay jirin, balse aan caafimaad u tagay Turkiga”.

β€œwaxaan jeclahay inaan beesha caalamka u mahad naqo, waxaad moodaa inay aad u dane-ynayso Somaliland oo inagu soo noq noqoto oo inagu talisay inay doorashadda la qabto oo ay yidhaahdeen waxa ku jirta magaciina iyo kalsoonidii uu duniddu idin siiyay,” ayuu mar kale ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu xusay in aanu aqballi doonin in la kordhiyo wakhti ka badan ta guddida doorashooyinku sheegeen inay doorashadda ku qabanayaan.

Guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa maanta taageerayaashiisu si weyn ugu soo dhaweeyeen magaaladda Hargeysa, kuwaas dhoolotus balaaran ka dhigay magaalada Hargeysa iyo sida ay u taageersan yihiin xisbiga WADDANI.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here