Guddoomiyaha SOLJA Oo Ka Hadlay Saxafiyiin Lagu Xidhay Hargaysa

0
683

Hargaysa (HP): Ururka suxfiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay Afar wariye oo ka kala tirsan warbaahinta Somaliland oo maanta gelinkii danbe lagu xidhay magaaladda Hargaysa, sabab la xidhiidha dhacdadii Jeelka wayn ee Hargaysa.
Suxufiyiintaasi ayaa la xidhay iyagoo si toos ah baraha bulshadda ee Internet-ka uga tebinayay dhacdadda maanta ka dhacday Jeelka wayn ee magaalada Hargaysa.
Guddoomiyaha ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, oo xadhiga saxafiyiintaasi kadib ka hadlay ayaa sheegay in ay urur ahaan aad uga xun yihiin xadhiga sharci darada ah ee Suxufiyiintaasi loo gaystay.
Waxaanu guddoomiye Sekeriye, ku baaqay in xoriyadooda loo soo celiyo saxafiyiinta la xidhay xili ay ku guddo jireen gudashadda shaqadoodda.
Ururka SOLJA waxa uu aad uga walaacsan yahay xadhiga wariyeyaasha ee soo noqnoqday, waxaanu ugu baaqayaa laamaha amnigu in ay si deg-deg ah xoriyadooda ugu soo celiyaan, ayuu sheegay guddoomiyaha SOLJA.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Guddoomiyaha SOLJA:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here