Ciidamada Israel oo 152 Qof Ku Dhaawacay Masjidka Al-Aqsa

0
646

Qudus (Hargeisa Press) – Ugu yaraan 152 qof oo Falastiiniyiin ah, ayaa lagu dhaawacay iska horimaad maanta iyaga iyo ciidamada booliska Israel ku dhex-maray gudaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Inta badan dhaawacyada Falastiiniyiinta, ayaa waxaa sababay rasaasta caagga ah, bambooyinka qiica kaliya sii daaya, iyo garaacis ay sameeyeen booliska, sida ay sheegta hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

Ciidamada Ammaanka Israel, ayaa heegan culus ku jiray tan iyo markii weeraro dhowr ah oo dhimasho leh ay Israel ka dhaceen labadii toddobaad ee tegay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ciidamada Israel ku sheegeen in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah ay dhagxaan iyo baaruud ku soo weerareen ciidamada oo ku sugnaa meel u dhow halka lagu cibaadeysto ee Darbiga Galbeed kadib salaaddii subax ee Jimcaha.

Waxay intaas ku dareen in kadib ciidamada ay galeen dhismaha Al-Aqsa “si ay u kala eryaan dibna ugu celiyaan shacabka, si dadka kale ee cibaadeysanayay ay si nabdoon uga baxaan.”

Booliska, ayaa sidoo kale sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen iska horimaadka.

Boolisku waxay xidheen boqolaal Falastiiniyiin ah, waxaa sidaas Tweet ku sheegay afhayeen u hadlay ra’iisal wasaaraha Israel Naftali Bennett.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan xasilloonida kusoo celino Xaramka Shariifka ah iyo guud ahaan Israel. Waxaa intaas dheer, waxaan isku diyaarineynaa xaalad kasta, ciidamada amniguna diyaar ayay u yihiin shaqo kasta,” ayuu yidhi Bennet.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Falastiin oo ka hadashay rabshadaha Al-Aqsa, ayaa sheegtay “in Israel ay si buuxa oo toos ah mas’uul uga tahay dambiga dhacay iyo cawaaqibkiisa.”

“Faro-gelin caalami oo deg deg ayaa loo baahan yahay si loo joojiyo gardarrada Israel ee ka dhanka ah Masjidka Al-Aqsa iyo in xaaladda ay farah ka baxdo,” waxaa sidaas yidhi Nabil Abu Rudeineh, oo ah afhayeenka madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas, oo dowladdiisa ay maamusho aagga Israel ay haysato ee Daanta Galbeed.

Xamas oo iyana maamusha Marinka Gaza, ayaa sheegtay in Israel “ay xambaareyso mas’uuliyadda iyo cawaaqibka.”

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here