Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo U Jawaabay Axmed Muumin Seed

0
961

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Maxamed Cilmi Axmed, ayaa jawaab kulul ka bixiyay qoraal ka baxsan anshaxa siyaasadda oo uu baahiyay Wasiirkii hore ee Wasaarada horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed oo uu kaga hadlay xaalada Gobalka Awdal.

Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Maxamed Cilmi Axmed, ayaa waxa uu tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Axmed Muumin Seed uu qoro wax ka baxsan anshaxa Siyaasada oo uu ku kala fogaynayo shacabka Somaliland.

Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Maxamed Cilmi oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi β€œGobolka Awdal waxaan ku ognahay nabadgelyo, Horumar, nidaam iyo kala dambayn. waxaase nasiib darro ah nin Afar sanno wasiir ahaa in uu bogiisa Internetka ku qoro hadalo ka baxsan anshaxa siyaasada, sheegana wax aan jirin. Gobolku waa nabad wax dhib ah kama jiro. dadka reer Awdalna waxay aaminsanyihiin lahaaanshaha qaranka Somaliland. waa dad ay ka go’antahay Ilaalinta qaranimada Somaliland, waa dad jecel nabadgelyada iyo Horumarka Qaranka Somaliland. Reer Awdal maanta uma baahna kala fogeyn dadka ay wax wada leeyihiin..

Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Maxamed Cilmi Axmed, waxa uu sheegay in gobolka Awdal aanay ka jirin wax cabudhin iyo tacadiya oo lagu hayo bulshada ku dhaqan gobolkaas, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna.

“Ma jirto cabudhin iyo Cagajugleyn lagu hayo Gobolka iyo dad gaar ah toona. waxaanse ognahay in Gobolku gaadhay Horumar ah dhinacyada Caafimaadka , waxbarashada, Biyaha Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha”. ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Maxamed Cilmi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here