Iska Hor-imaad Laascaanood Ku Dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Kooxo Hubeysan

0
1970

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxo Hubaysan ay weerareen fadhiisimada ciidamada Somaliland ee Laascaanood iyo hoteelka golaha wasiiradu ka daganyihiin magaalada.

Sida lagu sheegay Qoraal lagu baahiyay saaka subixii Boga Facebook-ga ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland.

Bayaanka, wasaaradda, ayaa lagu sheegay in  weerarka ay soo qaadeen kooxo ay xukuumadu hore uga digtay oo ay ka mid yihiin dad argagixiso ah.

Waxaa kale oo bayaanka Wasaaradda lagu sheegay in 2 Askari ay dhanka ciidanka Somaliland kaga dhaawacmeen weerarkaasi.

Sidoo kale, wararka, ayaa intaasi ku daraya in magaalada laga maqlayay rasaasta dagaalka oo si isdaba joog ah uga dhacaysay magaalada.

Amaanka magaalada Laascaanood, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen Ciidamada qaranka Somaliland.

Wixii warara ee ka soo kordha kala soco Shabakada HargeisaPress.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here