Guddiga Qandaraasyadda Oo Kormeeray Mashaariic Laga Fulinayo Laascaanood

0
601

Laascaanood (HP): Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sool ayaa kulan la yeeshay maamulka gobolkaasi.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska badhasaabka Sool ayaa isugu jira kormeer iyo indha indhayn ah.


Guddiga qandaraasyadda waxaa hogaaminayay guddoomiyaha gudidaasi Nuux Maxamed Xuseen.


Waxaana wehelinayay agaasimaha guud ee gudida qandaraasyada qaranka Axmed Cabdirisaaq Diiriye iyo xubno ka mida gudida Qandaraasyada.

Kulankaasi waxa kaloo kq qayb galay lataliyaha madaxwaynaha ee arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan.


Iyadoo kulankaasi lagu gorfaynayay halka ay Marayaan mashaariic ay gudidu hore u bixisay.

Waxaana ka mida mashaariicda la kormeeray dhismaha Garoonka Kubadaa Cagta Cabdi Bille Cabdi, xarunta Dab-damiska magaalada Laascaanood.

Dugsiga ay dawladu ka hirgelisay magaalada Laascaanood, dhismaha MCH Tuulo-Samakaab iyo xarunta Godadka Qashinka ee magaalada Laascaanood.

Dhamaan mashaariicdaasi oo isugu jira qaar weli socda iyo kuwo dhamaaday.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here