Cali Gurey: Beesha Caalamku Kuma Qanacsana Sida Uu Madaxweyne Biixi Wax U Wado

0
1331

Hargeisa  (Hargeisa Press) — Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadley halka uu marayo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo wadamada beesha Caalamka.

Waxaanu sheegay in wadamada beesha Caalamku aanay ku qanacsanayn sida uu wax u wado Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in beesha Caalamku aanay marnaba ku qanasanayn dowladnimada Somaliland iyo dimuqraadiyadeeda.

Cali Gurey oo lala yeeshay warasyi dhinayo badan taabanaya ayaa sidoo kale ka hadley jaaniska Somalilad uga banaana doorashada la filayo inay ka qabsoonto Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in aanay doorashada Soomaaliya wax jaanis ahi uga banaanayn Somaliland oo aan ahayn ayuu yidhi fara gelinta ay ku hayso Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayuu sheegay in uu ogolyahay in cid walbaaba ay fara geliso Somaliland oo waliba uu amaan iyo buun buunin ugu daro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here