Shir Weynihii Todobaad Ee Ururka Shaybaadhiisteyaasha Oo Hargaysa Ka Furmay

0
734

Hargaysa (HP): Shir weynihii 7aad ee ururka shaybaadhiisteyaasha caafimaadka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaaladda Hargaysa.
Waxaana shirkaasi si rasmiya u furay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.
Furitaanka shirka shaybaadhleyaasha waxaa ka soo qayb galay hogaanka ururka shaybaadhiisteyaasha Somaliland.
Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dhakhaatiir, oo ay ka mid ahaayeen Dr. Axmed Xuseen Ciise, Drs. Edna Aadan Ismaaciil, iyo xubno ka tirsan bahda caafimaadka Somaliland.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ururuka shaybaadhiisteyaasha ku amaanay in ay muujiyeen qaan-gaadhnimo iyo xilkasnimo in ay sanad walba marka la gaadho xiliga shir weynahoodda ay si wanaagsan xilka isugu wareejiyaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here