Golaha Wasiirrada Somaliland oo Ka Dooday Xaaladaha Amniga Dalka

0
598

Hargeysa (HP): Fadhigii maanta ee golaha wasiirrada Somaliland ayaa lagaga dooday xaaladaha amaanka dalka, iyo ganacsiga, halka laba xeerna lagu ansixiyay.

Fadhigaasi oo ahaa kii 121aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka qaranka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Waxaana fadhiga maanta diirada lagu saaray qodobo la xidhiidha Amniga iyo Ganacsiga, laguna ansixiyey xeerar kala duwan.

Ugu horayn golaha wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka xog-waramay xaaladda amniga dalka.


Sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay, wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), oo ka hadlay arrimaha ganacsiga dalka.

Dhinaca kale golaha wasiirradu waxa uu dood iyo falan qayn dheer ka yeeshay wax ka bedelka iyo kaabista laba xeer oo ay soo wada diyaariyeen Garyaqaanka Guud ee Qaranka, wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Reer Miyiga iyo haayadda Maaraynta Masiibooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka, Xeerarkaas oo kala ah.

1. Kaabista iyo wax-ka bedelka Xeerka Xannaanada Xoolaha, Xeer Lr.34/2006 iyo

2. Wax-ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka haayadda Maaraynta Masiibooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Lr.35/2007.

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu cod geliyey labadaa xeer oo ay golaha wasiirradu ku ansixiyeen cod gacantaag ah.

Waxaana loo gudbin doonaa golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here