Congress-ka Mareykanka oo Waxka Bedel Ku Sameeyay Xeerka-Difaaca Ee Khusaysa Somaliland

0
3336

Washington (Hargeisa Press)- Congress-ka Mareykanka, ayaa wax ka baddel ku sameeyay Xeerka guud ee difaaca Mareykanka ee NDAA (National Defense Authorization Act), qaybta Somaliland khusaysa.

Wax ka beddelkan oo uu Congress-ka u gudbiyay Senator James Rich, ayaa lagu sameeyay qaybaha khuseeya Iskaashiga dhanka Millateriga ee Mareykanku la yeelanayo Somaliland.

Qaybta ugu horraysa ee wax ka beddelka lagu sameeyay, ayaa lagu sheegay sidan:-

1.Somaliland oo Deked weyn iyo garoon diyaaradeed oo baaxad weyn ku leh Magaalada Berbera.

A. Ay ku taallo goob Juqraafi ahaan muhiim ah oo ku taal geeska Afrika B. Ay la jaar tahay  marin biyoodyada Istaraatijiga ah ee badda cas iyo gacanka cadmeed.

Sidaa daraaddeed ay gacan ka gaysan karto ujeeddooyinka Millatari ee Maraykanka, marka la eego xaaladda amni ee gobolka ka jirta.

Taasina ay Mareykanka u saamaxayso in uu si toos ah ula macaamilo Somaliland isla markaana uu u adeegsado Dekedda Berbera inay noqoto meel laga galo geeska Afrika isla markaana fududaysa hawlaha qaybinta gargaarka ee Geeska Afrika iyo dalalka ka shisheeyaba.

2.In wasaaradda gaashaandhiggu warbixin ka keento doorka ay dawladda Shiinuhu ku leedahay hurinta xasaradda gobolka Sool ee Somailand.

3.Guddiyada Senetka iyo Congress-ka ee ay khusayso ayaa daraasad ku sameeyay sida Joogitaanka mareykanka ee Somaliland gacan uga gaystan karto.

a.Siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Badda Cas, Marin-biyoodk Indo Pacific iyo Geeska Afrika.

Dowladda Mareykanka, ayaa Sannadkii hore meel marisay heshiiska Iskaashiga Somaliland Iyo Mareykanka kaasoo dowladda Mareykanka u oggolaanaaya inay si toos ah ula macaamisho Somaliland isla markaana ay Saldhig Millateri ka samaysato magaalada dekedda ah ee Berbera.

https://www.congress.gov/amendment/118th-congress/senate-amendment/821/text?fbclid=IwAR3MRh6Hgbs58Ew3NS0pL2SjEN8zdVTuq-BcvPP8hbONxrMX5F8LvBJU4B4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here