Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Ganacsade Baxsane Oo Geeriyooday

0
186

Hargayssa (HP): Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaaladda Hargaysa ku geeriyooday ALLE SWT ha u naxariistee Marxuum Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane).

Marxuum Baxsane, ayaa ka mid ahaa ganacsatadda waaweyn ee caanka ah ee reer Somaliland, isagoona noocyo kala gedisan ee ganacsi ku leh dalka.

Geerida marxuum Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane), waxaa ka tacsiyadeedayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo marxuumka ku sifeeyey Ganacsade Sama-fale ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka.

Sidoo kalena door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka, ka na mid ahaa dadkii aaminay dalkooda ee maal-gelinta iyo ganacsiga ka hirgeliyey gudaha dalka, isagoo ay u dheerayd inuu kaalin weyn ka geysan jiray arrimaha samafalka.

Dhanbaalka tacsida ah ee uu madaxweyne Biixi, marxuumka u diray waxay u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, qoyska iyo ehellada, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 27/12/2023, Caasimadda Somaliland ee Hargeysa”.

“Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Ganacsade Sama-fale ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka, kana mid ahaa dadkii aaminay dalkooda ee maal-gelinta iyo ganacsiga ka hirgeliyey gudaha dalka, iyadoo ay u dheerayd inuu kaalin weyn ka geysan jiray arrimaha samafalka”.

“Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here