Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Odoroska Miisaaniyada 2024-ka

0
973

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay  maanta ansixiyeen odoroska miisaniyad  sannadeedka 2024-ka.

Guddoomiyihi hore guddida dhaqaalaha golaha Wakiillada Somaliland, Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse (Cagawayne), ayaa golaha ka hor akhriyay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2024-ka.

Waxaanu sheegay in Miisaaniyada ay tahay halbowlaha howl socodsiinta shaqada Qaranka, waxaanu xusay in dheehan karo hadba meesha ay u jihaysaneyso dowladdu sannad miisaaniyadeedkaasi, waxa uu intaas ku daray in laga dheehan kara, badqabka dhaqaale, siyaasadeed, horumarineed, amni, mudnaanaha iyo qorshayaasha dowladdu u qorshayso, sannad miisaaniyadeedkaasi.

Sidoo kale, Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in Miisaaniyada sannadkan 2024 aanay lahayd korodh iyo dhimis midna, isla markaana cadad ahaa ay la mid tahay tii sannadkii hore 2023-ka, waxaanu hoosta ka xariiqay in nuxur ahaan iyo siyaad ahaanba ka duwan tii hore.

Waxaanu mudaneyaasha golaha Wakiillada akhrin kadib ka codsaday in odoroska miisaaniyada lagu ansixiyo soojeedimaha wax-ka-beddelka foofamka faahfaahsan ee ku lifaaqan warbixinta guddida, maadama guddidu dadaal badan gelisay miisaaniyada.

Intaas kadib Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland, Siciid Faarax Mirre (Giire), ayaa cod geliyay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2024, waxaanu sheegay in Fadhigii golaha ay ka soo xaadireen 48 mudane, isla markaana ay ogolaadeen 41mudane, 7 mudanena ay diideen, cid ka aamustayna aanay jirin, guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaasina ay ku ansaxday.

Sidoo kale, Golaha Wakiillada, ayaa ansixiyay soojeedinta mooshinka khilaaf sharci oo ka dhaxeeyay shirkada DP.World iyo Al-Waddaniya.

Geesta kale, golaha Wakiillada, ayaa diiday Mooshin uu u soo gudbiyay madaxweynaha Somaliland, kaas oo uu doonayay in ay xilka kaga qaadaan Koomishaner Cabdicasiis Xirsi Warsame.

Golaha oo codka kalsoonida u qaaday, ayaa ka hor yimid soojeedinta madaxweynaha, waxaaney siiyeen kalsooni ah in uu ka sii mid ahaado Guddida Doorashooyinka ee uu ka tirsan yahay, 39 mudane ayaa diiday dacwadda madaxweynaha, 9 ayaa ogolaaday soojeedinta madaxweynaha, guddoomiyuhuna muu codeyn, waxaaney  golaha Wakiilladu isku raaceen in uu Cabdicasiis Xirsi Warsame ka sii mid ahaado Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Koomishaner Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa dib ugu laaban doona shaqada iyada oo lagu waayay eedihi lagu soo oogay.

Waxa kale oo golaha la horkeenay mooshin ay ku saxeexan yihiin 32 xildhibaan kaas oo ku saabsana furitaanka xeer hoosaadka golaha Wakiillada, mooshinkaasi oo la rabay in uu ku ansaxo 27, ayay  9 mudane  ka noqdeen, waxaa  ogolaaday 23 mudane, waxaanu guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha Wakiilladu sheegay in Mooshinkaasi sidaasi ku jabay.

Gaba-gabadii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa golaha ku wargeliyay in goluhu uu geli doono fasax dhan muddo laba bilooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here