Hargeysa: Hooyo iyo Caruur Ay Dhashay oo Ku Geeriyooday Dab

0
1154

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hooyo iyo labo Carruur ah oo ay dhashay, ayaa ku geeriyooday dab ka kacay gurigooda oo ku yaalla xaafadda Cabaaye ee magaalada Hargeysa.

Dabkan oo kacay aroortii hore ee saaka, ayaa waxaa qoyska u gurmaday ciidanka dab-demiska Somaliland, iyagoo soo badbaadiyay afar carruur oo kale.

Lama oga waxa sababay dabka, iyadoo ciidanku ay baadhayaan dhacdadan.

Ciidanka dab-damiska Somaliland, ayaa xaqiijiyay in dabkan ay ku geeriyootay hooyo iyo laba carruur ah oo deganaa hoyga uu xalay ka kacay dabka.

Sidoo kale, qoraal ka soo baxay taliska ciidanka dab-damiska, ayaa waxaa lagu sheegay in gurmad ay sameeyeen kadib lagu soo bad-baadiyay afar carruur ah oo kale.

Dhinaca kale, taliska ciidanka, ayaa farriin u diray shacabka Somaliland, waxaanay ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan halista dabka dhasha korontada.

Gabagabadii ciidanka dab-damiska Somaliland, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ay dhibaatadu ka soo gaadhay dabka ka kacay xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here