“Golaha Wakiiladu ma ansixinayo haddii tiradda komishanku kala dhiman tahay”…

0
693

Hargaysa (HP): Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa sheegay in aanay sharciyan banaanayn in golaha Wakiiladda la hor keeni karo tiro kala dhiman oo guddiga doorashooyinka ah.

Kadib markii xisbiga mucaaradka ah ee UCID uu maanta shaaciyay in uu la noqday xubintii ay soo magacaabeen ee xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Waxaanu tilmaamay in xeerka doorashooyinku uu dhigayo in golaha Wakiiladda la hor keeno tiradda xubnaha komishanka oo dhamaystiran, isla markaana aanu goluhu aqbali karin in la hor keeno iyadoo ay tiradoodu kala dhiman tahay.

Xildhibaan Qabiile, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta golaha Wakiiladda ee Hargaysa, waxa kaloo uu tafaasiil ka bixiyay dariiqa goluhu u marayo ansixinta xubnaha komishanka doorashooyinka.

Waxaanu sheegay in xubin walba CV-giisa gaar loo akhriyayo, isla markaana  goluhu uu ugu codaynayo  shaqsi kastaba gaarkiisa.

Geesta kale xildhibaanka ayaa ka digay in haddii ay arrintaasi dhacdo ay ka dhalan karto cawaaqib-xumo daran.

Halkan Ka Daawo Hadalka Xildhibaan Qabiile:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here