Kulankii 4aad Ee Warbaahinta Somaliland Oo La Soo Gebagabeeyay

0
637

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta soo xidhay kulanka 4aad ee Warbaahinta Somaliland iyo Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland oo muddo laba maalmood ah ka socday  caasimadda Hargaysa.

Kaasoo lagu gorfeeyey ajandayaal badan oo la xidhiidha Doorka wanaagsan ee Saxaaafadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay weriyeyaal ka socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa banaan oo kala yimid goboladda dalka.

Kulankan waxaa soo agaasimay Ururka Saxaafadda Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SOLJA.

Waxaana xidhitaankiisa ka soo qayb galay wasiirrada Wasaarradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland iyo qaar kamida ruug cadaagii Saaxaafada iyo guud ahaanba Warbaahinta Somaliland oo uu ka mid ahaa Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo soo xidhay shirkaasi ayaa Wasaaradda Warfaafinta iyo Ururka Saxaafadda Somaliland uga mahadceliyey hannaanka wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen shirkaasi.

Sidoo kale-na madaxweyne ku-xigeenku waxa uu bogaadiyey doorka wax ku oolka ah ee Warbaahinta Somaliland ku leedahay qaranka.

Geesta kale waxa u warbaahinta kala dardaarmay in aanay noqon kuwo ka shaqeeya xumaha balse ay noqdaan kuwo ka shaqeeya dhanka wanaaga iyo horumarka waddankooda islamarkaana ay ku dabaqaan aqoontooda iyo waayo aragnimadooda saxaafadeed.

Ugu danbayntiina madaxweyne ku-xigeenku waxa uu abaalmarino iyo shahaadooyin gudoonsiiyay qaar ka mida weriyeyaashii ku guulaystay Hal-abuurnimadii sannadkan lagu tartamayay.

Sidoo kale waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay qaar ka mida masuuliyiinta iyo madaxda xarumaha warbaahinta.

Daawo Sawirro:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here