Somaliland: Barnaamijka Dib-U-Eegista Waxbarashada Qaranka Oo La Daah-furay

0
749

Hargaysa (HP): Barnaamijka dib-u-eegista waxbarashadda Somaliland ayaa maanta ka furmay magaaladda Hargaysa,  kaasoo sanadkiiba mar la qabto laguna qiimeeyo waxbarashadda dalka.

Shirkan oo ay soo agaasintay wasaaradda Waxbarasahda iyo Sayniska  Somaliland, waxaana barnaamijkaasi si rasmiya u daah-furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Sidoo kale waxaa munaasibadda daah-furka  barnaamijkaasi joogay wasiirrada wasaarradaha Qorshaynta iyo horumarinta qaranka iyo shaqo gelinta, Arrimaha Bulshada iyo qoyska.

Saraakiil ka socday qaar ka mida hay’addaha caalamiga ah ee wasaaradda kala shaqeeya arrimaha waxbarashadda, xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda.

Madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashadda, guddoonka xafiiska imtixaanaadka qaranka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliand oo shirkaasi hadal ka jeediyey ayaa soo dhaweeyay Barnaamijka Dib-u-eegista waxbarashada Qaranka.

Waxaanu si weyn ugu mahad celiyay wasaaradda waxbarashadda oo uu ku amaanay sida wanaagsan ee ay uga shaqayso horumarinta waxbarashadda dalka.

Waxaanu yidhi, “Waxaa maanta runtii farxad weyn ii ah in aan ka soo qayb galo Barnaamijka Dib-u-eegista wasaaradda Waxbarashadda ee sannad walba dib loogu eego halkay marayso Tacliintu.

Kaasoo runtii laf-dhabar u ah ummad kastoo jirta. Aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa wasaaradda waxbarashada hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayso”.

C/raxmaan Saylici, waxa kaloo uu sheegay inay waxbarashadu ku haboon tahay in baalaha laga wadda joogo waxaana uu yidhi markale.

“Waxaan halkan aad iyo aad uga hambalyaynayaa goboladda dalka, oo runtii waxbarashadoodu kor u soo kacday.

Waxaana ka mida waxyaabaha waxbarashadu kor ugu soo kacdo, dawladd-na keligeed waxba ma qaban karto, wasaarad-na keligeed waxba ma qaban karto, Macali-na keligii waxba ma qaban karo,  haddii aanu waalidku dhiniciisa kala soconin waxbarashadda ubadkiisa”ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Geesta  kale waxaa halkaas hadalo ka jeediyay wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, oo ka waramay muhiimadda ay leedahay in sanadkiiba mar la qabto kulan lagu qiimaynayo halka ay marayso waxbarashadda dalku.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here