Golaha Wakiiladda Oo Aqlibiyad Ku Ogolaaday Wasiir Xigeenkii Madaxweynuhu U Ka Dhex Cugtay Dhalinyaradda Somaliland

0
891
Hargeysa, (HargeisaPress) —Fadhigii ay saaka yeeshen golaha wakiilada Somaliland  ayaa waxaa ay ku ansixiyeen wasiir, wasiir ku xigeeno  iyo gudoomiye ku xigeenka haayada  shaqaalaha Somaliland.
Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo shir gudoominayey  fadhiga saaka ayaa waxaa ka soo xaadiray fadhiga  50 xildhibaan waxaana ay xildhibaanadu mid mid u ansxiyeen masuulyintaas.
Wasiir xigeenka Cusub ee Gashaandhiga loo magaacabay ee uu kadhex cugtay Dhalinyaradda Madaxweyne SIILAANYO Maxamud Amiir Warsame ayaa kamid ah Xubnahan hor yimi wakaalida waxana masuulka Da’da yar Cod aqlibiyad ugu codeeyay 48 Oo kamid ah 50 shirkaasi fadhiyay 1-mudane ayaa ka aamusay Gudomiye xigeenkuna muu Codaynin.
Mr Maxamud Amiir Warsame ayaa noqonaya Wasiir xigeenka rasmiga ee wasaaradda gaashaandhiga qaranka Somaliland, oo uu dhowaan madaxweyne SIILAANYO u magacaabay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here