Golaha Shacabka Soomaaliya oo Ansixiyey Xukuumadda Cusub

0
684

Muqdisho (Hargeisa Press)- Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyey golaha Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Kadib, fadhi ay maanta yeesheen xildhibaanadda Golaha shacabka oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha Golahaasi Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Mudanaayasha golaha shacabka Soomaaliya, ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 229 , sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha shacabka.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in golahiisa wasiirrada uu ku soo xushay, hannaan ku saleysan wadatashi, aqoon, karti, khibrad iyo waayo aragnimo u fududeynaysa in ay waajibaadkooda gutaan,una adeeggaan shacabka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saari doonto wax ka qabashada; Arrimaha amniga, dhameystirka hannaanka amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dhaqaale, horumarinta arrimaha bulshada, qabyo tirka iyo dhameystirka dastuurka KMG ah.

Horrumarinta hannaanka federaalka, dib-u-heshiisiinta, Hirgelinta nidaam doorasho mideysan oo dimuqraadi ah, Dardargelinta wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, maamul-wanaagga, iyo xoojinta xidhiidhka caalamiga ah, iyadoo laga duulayo aragtida madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Sidoo kale, Xukuumadda ayuu xusay in ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq-noqda ee ugu horreyso abaarta iyo fatahaadaha ku dhufta qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka Soomaaliya, ansixinta xukuumaddiisa iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo.

DAAWO: Kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya Ajendaha Ansixinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here