Golaha Guurtida Ayaa Sharcigu Siiyay Modo Kordhinta Xukumada Hayadaha Shisheeye Sharciga Dalka Kama Hadli Karaan.!!!!

0
1052
Mawliid Ahmed Jibriil

in dhawaydba waxa golaha guurtida hor taalay mudo kordhin xukumada Talada haysa la rabo in loo sameeyo, maadaama waqtigan abaaro baahsani ka dhaceen dalka oo doorasho laga qaban Karin xiligan.

Sida darteed,marka xaalad ba,an oo abaareed dalka ka dhacdo oo doorasho xukumadu qaban Karin disdoorku waxa golaha guurtida U fasaxayaa in waqtiga xukumada loo kordhiyo iyado loo eegayo waqtiga dhibaatada abaarta lagaga bixi karo.

Inta ka dib, Sadexdii xisbi qaran markay eegeen abaarta dalka ka taagan waxay garteen in xukumada waqtiga loo kordhiyo, waxay qoraal wada jir ay U saxeexen U gudbiyeen golaha guurtida iyagoo ku wargaliyay in xukumada loo kordhiyo duruufta taagan awgeed kana raali nahay in loo kordhiyo.

Inta ka Sakaw, Sadexda xisbi qaran zoo jeedin ayay ku leeyihiin mudo kordhinta xukumada laakiin haday waqtiga cayimaan ama ay waqtiga loo kordhinayo ay zoo qoraan maaha waqtiga ay cayimeen sharci ee waxa ay leeyihiin zoo jeedin kaliya.

Golaha guurtidu waqtiga ay qabtaan ama ay cayimaan ayaa sharciga kama dambaysda ah ee lagu dhaqmayo.

Hadaba, Golaha guurtida waxa la gudboon in waqtiga ay kordhinayaan aad iyo aad uga baarandegaan oo ay ku dhawaaqaan waqti ku munaasiba oo aan ku beegnayn waqti abaara ama waqti xagaaya si bulshadu cabasho uga keenin xiliga doorashada dambe lagu beegay.

Ayaan daradu, waxa weeyi Hayadaha Deeqbixiyayasha oo ka warwareegaya in waqtiga doorashada la kordhin, hadaba Deeq bixiyayashu ma sharciga dalku kordhinta uu fasaxay ayay diidan yihiin ma waxay rabaan Sandareerada yar ee ay na siiyaan in sharciga dalka ku dumiyaan oo ay Nagu xukumaan.

Hayadaha shisheeyaha nooc kasda oo uu yahay oo dalka ku sugan waxa laga rabaa in uu xaq dhawro sharciga dalka, xaqna umalaha in uu kordhinta ka hadlo maadaama Sadexdii xisbi qaran iyo xukumadii ka heshiyeen in la kordhiyo, wixii la kordhiyo ha Kula shaqeeyan xisbiyada iyo xukumada, hadayse waxa lagu heshiyay ku shaqayn waayaan waa sharci daro waxay raban in ay ku shaqeeyaan, waxay noqanayaan qaran dumis in loo fiirsado U bahan.

Gabogabo, maadaama xaalada jirta ee abaarta Sadexdii xisbi qaran ay zoo jeediyeen in xukumada waqtiga loo kordhiyo oo xukumadiina aqbashay oo kordhintii golaha guurtida loo gudbiyay, waqtiga ay kordhinayaan waxa Ansaxa Golaha guurtida go,aanka cayiman ee ka zoo Baxa oo U Baahan in ay aad uga baaran degaan waqtiga ku haboon ee dalka doorasho bilaa cabasho ah ay ka dhici karto haday 6 bilood kordhiyan waxay ku beegan tahay bisha oktobar oo waa jilaal madaxii, haday sanad kordhiyaan waxay ku beegan tahay bisha 4 oo waa waqti abaara si doorashada loogu wada diyaar garoobo haday tahay komisashanka doorasha iyo xisbiyada mucaaridka oo qabyo diyaar garawga doorashadu ka muuqato maadaama kordhinta xukumadu dhinacoda ka timi, waxan Kula Talinayaa Golaha guurtida in xukumada U kordhiyaan mudo dhan 14 bilood oo ku beegan juun 2018 ka.

Waxan 14 bilood U kordhiyay waxan isleeyahay hawlaha qabyada ah ee doorashada ayaa loo Bahan yahay waqti wanaagsan oo loogu wada diyaar garabo ayay uga haboon tahay, xukumada hore waxa loo kordhiyay 20 bilood marka hada 14 bilood loogu daro waxa sida uga dhan sadex Sano oo loo kordhiyay waxaanan Rajaynayaa in waqtiga loo kordhiyay ee sadexda Sano dhan in ay ku qancayso oo ay ku dhiiran doonto hawlaha doorashada ee ku xidhan in ay dhamayn doonto oo doorasho qabyo ah oo dambe laga bixi doono sidii Guriga xisbiga ee waligii qabyada ah inan doorashadu inaga noqan.

ilaahaw abaarta naga dulqaad adigaan gacanta ku hoos haysda ee hay qadin, Aamiin Aamiin Aamiin.

ALAA MAHADLEH.

Mawliid Axmed Jibriil

Email: xaqsheeg@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here