Faysal Cali Waraabe oo Ka Soo Horjeestay Wadahadalo Lala Galo Soomaaliya

0
1393
faysal-cali-waraabe-oo-fariin-u-diray-xasan-sheekh-weerar-afka-ahna-ku-qaaday-farmaajo

HargeysaΒ (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu si adag uga soo horjeestay in ay Somaliland wax wadahadalo ah la gasho Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in aanay jirin habayaraatee wax Somaliland ka galay 5-ta gobol ee Soomaaliya ee ay qabaa’ilku ka taliyaan.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi aanu haysan sharciyad uu ku matalo shacabka Somaliland oo uu kula hadlo Soomaaliya, balseΒ kaliya uu matalo xisbigiisa Kulmiye.

Somaliland ayuu sheegay inay tixgalin doonto mid aan shaqaynayn iyo faragalin lagu sameeyay arrimaheeda guddaha, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Faysal oo hore qayb uga ahaa wada-hadaladii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo la gashay xukuumaddihii hore ee Soomaaliya, ayaa sannadihii u danbeeyay si weyn uga soo horjeeday wadahadallada, isaga oo sheegay in wadahadalku aanu Somaliland faa’iido u lahayn.

Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, ayaa ku soo beegmaya, kadib markii ergo ka socota waddamada Norwey iyo Turkiga, oo Somaliland safar ku joogaa ay Madaxweyne Biixi ka dalbatay in uu dib wadahadal ula furo Soomaaliya.

Dalabkaasi oo uu Madaxweynaha Somaliland ku xidhay shuruudo dhowra oo ay ka mid yihiin in la fuliyo heshiisyadii hore labada dhinac u wada galeen.

Hase yeeshee, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna la kulmay ergada ka socota Norway iyo Turkiga, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay soo celinta wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here