Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Kasoo Muuqday Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Safiirada

0
2086

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ka soo muuqday kulan caawa dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno safiiro ah oo metelayay dalalka Norway iyo Turkiga.

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweyne Biixi iyo Xubnaha Safiirada, ayaa waxaa lagaga wadahadlayay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee mudada xayirnaa.

Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa waxaa uu ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland markii la bilaabay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaa uuna Maxamed Cabdillaahi Cumar door muhiima ka soo qaatay siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland intii uu ahaa wasiirka Arimaha Dibadda.

Inkasta oo uu muddo badan siyaasadda ka maqnaa, waxaa hadana jira tuhun ah in Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar laga yaabo in uu qayb ka noqdo tartanka doorashada ururrada ee dhawaan bilaabmi doona.

Dr. Maxamed Cabdillaahi, ayaa ah siyaasi rug caddaaya oo ka soo jeeda gobolka Gebiley. Waana siyaasi la socda siyaasadda gobolka iyo dunidaba.

Xiligan Somaliland, ayaa waxaa ay baahi weyn u qabtaa Siyaasi ku baraarugsan siyaasadda isbed bedelaysa ee Geeska, taasi oo la is odhan karo in Maxamed Cabdillaahi Cumar uu yahay shaqsiga qudha ee arrimahaasi wax weyn ka bedeli kara.

Bulshada reer Gebiley oo aanu jirin siyaasi la saamayn ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxay dhawrayaan in ay helaan siyaasi metela oo leh han madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here