Faysal Cali Waraabe oo Eedo Culus U Jeediyey Madaxweynayaasha Ismaaciil Cumar Geele iyo Farmaajo

0
869

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya, Ismaaciil Cumar Geele iyo Farmaajo.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele uu ku eedeeyay in aanu dhex ka ahayn wada-hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, Isagoona sheegay in aanay marnaba aqbalaynin in wadanka Jabuuti lagu qabto wada-hadaladaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku dhaliilay Sawir uu la galay Kornayl Tuke oo Maxkamad Maraykanka ku taal ku heshay inuu xilligii Taliskii Maxamed Siyaad Barre uu Dad Rayid ah ku dilay Magaalada Gabiley ee Somaliland, Waxaana uu sheegay in Farmaajo naftii Siyaad Barre ay gashay oo uu leeyahay waanu soo noqonay oo waanu idin ciqaabi doonaa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here