Mareykanka oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Lagu Qaaday Saldhigga Ciidamadooda Ee Soomaaliya

0
483

Muqdisho (Hargeisa Press) – War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar culus oo Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga Balli-doogle oo fadhiisin u ah ciidamo iyo tababarayaal Mareykan ah.

War Saxaafadeed ka soo baxay Saafaradda ayaa lagu sheegay in wax khasaaro ah aanu weerarkasi kasoo gaadhin ciidamada Soomaaliya ee ku sugan xerada  Balli-doogle ee Shabeellaha Hoose.

“Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Balli-doogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliya oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fadhiisin ciidanka Soomaaliya uu ku lee yahay Balli-doogle ee gobolka shabeelaha hoose.”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadii ku sugnaa Saldhigga Balli-doogle ay ahaayeen kuwo feejigan. 

“Ciidanka ayaa ahaa mid feejignaan ka muuqatay waxaa-ayna ku guuleysteen in ay ka hortagaan wareerka fashilmey.”

Mareykanka ayaa weerarkan ku tilmaamay mid muujinaya in Al-shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here